Qoor-Qoor:-“Galmudug Waxa ay Qaban-naysaa Doorashadda Shan kursi”,!

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-qoor), ayaa xalay ku dhawaaqay in Galmudug ay dhawaan qaban doonto doorashadda shan kursi oo kamid ah kuwa Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulan casho sharaf ah oo xalay ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa ku sheegay in dhawaan la qaban doono doorashadda shan kursi oo kamid ah kuwa Xildhibaanadda Golaha shacabka eek a imaanaya dhanka Galmudug.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa”ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here