Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Oo Dalab Adag Hordhiya Rooble

0

Iyadoo wali ay Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ay kulamo ka wadaan Magaalada Garoowe Ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa waxa la soo sheegaya in ay isku raaceen qodob ku saabsan Arimaha Doorashooyinka Dalka ka soconaya Wax Looga Badalayo Jadwakiil Doorashada Ee Lagu Heshiiyay

Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya Saciid dani iyo Axmed madoobe oo kulamo albaabadu uxiranyihiin ku yeelanaya garoowe ay haatan ku dhaqaaqayaan Talaabo lama Filaan ah oo ku qotonta Doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan dalka ka bilaabatay

Labada Masuul ayaa isla gartay in Doorashada Golaha Shacabka Laga Dhigo Hal Magaalo si loo Dardargaliyo Arimaha Doorashooyinka

Sababta ay saas u dhayana waxa ay ku sheegeen in ay tahay Amniga Magaaloyinka qaar oo aysan suurtagal heyn in lagu qabto Doorashada sida Magaalooyinka Garbahaareey iyo Baladweyne

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ay Qorsheynayaan in Dalabkaan ay ugudbiyaan Ra’iisul Wasaare Rooble islamarkaasna ay si wada jir ah uga wada hadlaan Xubnaha Gobolalaha wada tashiga qaran  sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedka

Arintaan ayaa imaanaysa xili ay si Habacsanan ah ku bilaabatay Doorashada  Golaha Shacabka Oo Dhawaan Dalka Laga Daahfuray

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here