Ra’iisul Wasaare Rooble oo wali kusugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo ku saabsan arimaha Doorashooyinka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulammo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.
Sidookale waxa xusid mudan in horay uu Ra’iisul wasaaruhu kulamo ula qaaday guddiyada Doorashooyinka oo u kala hadlay Socodsiinta Arimaha Doorashooyinka
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha warbixin laga siiyay abaar xoogan oo ku dhufatay deegaano dhowr oo ka tirsan Galmudug
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sidookale waxa lagu wadaa in kulamo la qaato Saraakiisha Ciidamada iyo Kuwa amisom oo uu ka la hadlayo Sugida Amaanka
Warka qaar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu magaalada Dhuusamareeb uga sii bixi doono safar uu ku tagayo Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ka mid ah goobaha loo asteeyay in doorashada golaha Shacabka in ay ka dhacdo

