Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goorwdhow ka ambabaxay Magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntaland.
Wafdigaan ayaa waxa Garoonka diyaaraha Sayid Maxamed ee Magaalada Kismaayo ku sagootinaya qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada maamulka Jubbaland,
madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu xarunta Puntlan kula kulmi doono Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa waxa Garoowe utagaya sida uu arimaha Doorashooyinka Golaha Shacabka ula Sheekeysan lahaa dhigiisa Madaxweynaha Puntland
Labada Hogaamiye oo saaxiib dhaw ah ayaa waxa lagu wada in ay ka wada hadlaan isxolafeysigooda ku aadan doorashada Maadaama Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani uu yahay Musharax qarsoon Kaasi oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u shaaciyo musharaxnimadiisa kursiga dalka ugu sareeya ee madaxweynaha Doorashada Dalka Ka Dhaceysa

