Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada maamulka galmudug lagu wadaa in maanta ay ka dhacado doorashada laba kursi oo ka harsanayd xubnaha aqalka sare uu ku leeyahay Maamulka Galmudug
Labadaan kursi ayaa waxa ku tartamaya ilaa iyo afar murashax
Waxaana la doonaya in si rasmi ah ay usoo baxaan laba sanetar
Xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Galmudug ayaa marka hore fhageysan doona hadal jeedintii musharaxiinta iyadoona musharaxiinta ay khudbadioda ku gidbin doonan wax qabadkooda hadii fursadaan ay helaan
Waxaana intaasi kadib ay ku kala saari doonan codka xildhibaanada oo qaarna ay hari doonan musharaxiinta halka kuwa kalana ay soo bixi doonaan
Amaanka Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ay maanta doorashadu ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay
Waxaana la arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda iyo kuwa maamulka galmudug kuwaasi oo amaanka sugaya
Xildhibaanada Barlamaanka galmudug ayaa goordhow la filayaa in ay tagaan hoolka ay doorashadu ka dhacayso oo goor horayba lasii doyaariyay
Musharaxiinta qaar ee ku tartamaya doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusa-Mareeb ayaa qaar ka mid ah waxa si aad ah loogu saadaalinayaa in ay soo bixikaraan ama ay ugu cadcadyihiin
Cabdi xasan cawaale qeybdiid iyo cabdi Cismaan xareed
Labada senetar ee maanta kasoo baxaya Galmudug ayaa waxa ay buuxin doonan 54 kursi ee Aqalka sare barlamaanka dalka

