Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sameeyay magacaabista iyo isku bedel Taliyaal Ciidan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
2. Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
3. Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari.
4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Ayaa lagu qoraalka ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada Puntland
Dhankale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne ku magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda boosaaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Magacaabida taliyaashan ee madaxweynaha Puntland ayaa waxa ay kusoo aadeysa xili doorashada golaha shacabka dhawaan la filayo inay ka dhacdo deegaanada Puntland

