Cumar Filish Oo Xariga ka jaray Dhismaha barxadda Biyaasa-Liibaro

0

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha barxada Biyaasa Liibaro ee degmada Xamar Jajab oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib udhis goobtaas oo loogu talagalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee kajira isku socodka wadooyinka Caasimadda.

Barxada Biyaasa Liibaro oo ah goob danguud ah ayaa muda ku dhow 30-sano helin wax dayactir ah, iyadoo dhawaan uu duqa magaalada Muqdisho amar ku bixiyay dhismaha goobtan si bulshada loogu qidmeeyo.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo goobta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhismahaan Biyaasa Liibaro ay qeyb ka tahay qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee la xariirta xal u helida saxmada xoogan ee kajira wadooyinka magaalada.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in dhulka danta guud ee gacanta dowtdda dhibaato badan uu maamulku maro oo ay jiraan dad beeka faafiya kuwaasi oo uu sheegay in ay shacab dhagaha ugu shubayaan indhulkaasi la boobayo

Waxaana uu sheegay in dadkaasi aysan ka fakarayn hormarka iyo dib u dhis magaalada caasimada ah ee Muqdisho

Muddoyinkii dambe ayaa waxa jiray cabashooyin xoogan oo kubaadan boobka dhulka danta guud oo la sheegay in dad Dowladda ka tirsan ay boobayaan

Balse maamulka gobolka Banaadir ayaa arinkaasi gaashan u daruuray sheegayna in cid dhul sharcidaro looga heysta aysan jirin dhulka danta guud ay gacanta dowlada kusoo celinayaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here