Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo kawada tirsan Puntland oo xalay isku rasaaseeyay Gudaha Magaalada Garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal
Israsaaseyntaan ayaa dhexmartay ciidamo taraafiko ah iyo kuwa ilaalo u ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland axmed cilmi Cismaan karaash
Waxaana ay ka dhalatay kadib markiiblabada ciidan ay ku murmeen gaari ciidanka tarafikada ay ka xareeyeen Ciidamada ilaalada u ahaa madaxweyne xigeenka Puntland
Iyadoona lagu soo waramayo in qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho dhaawac uu ka dhashay is rasaaseeyntani
Inta la xaqiijiyay 1 askari ayaa ku geeriyooday iyo laba kalana waa ay ku dhaawacmeen Israsaaseentii xalay ku dhexmartay magaalada Garoowe
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka laba ciidan ee ka wada tirsan Puntland ay kala dhexgaleen ciidamo kale oo ka tirsan Maamulka Puntland
Sidookale waxa is rasaaseeynataan loo xiray afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland askartaas oo lagu eedeeyay in rasaasta ay bilaabeen
Magaalada Garoowe oo Caasimad u ah maamulka Puntland ayaa Amniga waxa uu ahaa mid aad u adag balse Maalmihii dambe ayaa waxa kusoo kordhayay falal amniga lidi ku ah iyadoona Ciidamada Puntland ay dad shacab ah ku toogteen gudaha Magaalada
Sidookale ay kooxo kale oo dhac waday dad ku dileen

