Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ka dhacay goordhaweyd Magaaaladda Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Wadada Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhanka Deegaanka Garasbaaley.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay laba ruux oo shacab ahaa,waxaa sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawac uu qaraxa geystay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala doonayay gaari ay la socdeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

