Iyadoo shalay ay si rasmi ah ubilaabatay doorashada Xildhibaannada Golaha shacbka ee barlamaanka 11 ee dalka ayaa waxa jira walaac xoogan oo lagu muujinayo qaabka ay ku bilaabatay doorashadu
xasan sahal oo ka mid ah aqoonyahay dal islamarkaasna hadlay idaacada simba ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay sida ay ku bilaabatay doorashada shacabka uu sheegay in ay boob aheyd
Aqoonyahanka ayaa waxa uu tilmaamay in doorashada golaha shacabka aysan waxba kaga badalneyd tii aqalka sare ee dhawaan dalka dhacay oo uu sheegay in boobadan uu ka jiray
Si gaar waxa uu carabka ugu dhiftay qaabka uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka kusoo baxay ay aheyd boob cad uusan tartan halkaasi ka muuqan ama cadaalad ah
Dhawaan ayay aheyd markii qaar ka mid siyaasi dalku ay sheegeen in doorashada aqalka sare ay ku dhacday qaab cadaalada daro ah oo musharaxiinta qaar ay ku shubteen

