Madaxweyne Dani Oo Xilka ka Qaaday Taliyiihii Ciidanka Booliska Puntland

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa weegto uusoo saaray waxa uu xilkii uga qaaday taliyiihii Ciidanka Booliska Puntland isagoo Taliye Cusubna umagacaabay xilkaasi

Wareegtada ayaa uqorneyd sida tan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland

Xilka qaadista taliyaan ayaa hadal heyn badan ka dhalisay deegaanada Puntland

Waxaana la sheegay in taliyaha uu ahaa mid ka mid ah taliyaasha ugu firfircoon Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here