Shir looga hadlayay amniga Doorashooyinka Dowladda Hoose ee Ka Dhacaya Degmooyin ka tirsan Puntland ayaa waxa lagu qabtay magaalada Garoowe Ee Caasimada Maamulka
Deegaanada Puntland ayaa lagu wada in ay ka dhacdo doorasho ay dad weynuhu codkooda dhiibanayaan taasi oo ay ku tartamayaan xibiyada siyaasadeed ee ka jira Puntland
Waxaana Degmooyinka ugu horeya ee doorashada lagu bilaabayo ka mid ah Qardho,Eyl iyo ufeyn
Shirkaan ku saabsanaa amniga doorashooyinkaasi ayaa waxa ka qeyb galay wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland ,wasiirka arimaha gudaha,La taliyaha dhinaca amniga madaxweyne dani iyo Mas’uuliyiin kale oo ka Puntland u xil saaran Sugida amniga
Kulanka intii uu socday ayaa waxa laisku afgartay Qodob si aad ah looga dooday oo lagu sugayo amniga doorashooyinka Dowladda hoose Ee Degmooyinka Puntland
Waxaana la sheegay in war murtiyeed iyo go,aamo culus laga soo saarayo shirka kuwaasi oo lagu sugayo amiga Doorashooyinka

