Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed.
Wafdigan ayaa gaaray magaalada Hague oo ay ku taalo Maxkamadda ICJ, halkaa oo 12 ka bishan aynu ku jirno oo maalinta barita ah ku beegan looga dhawaaqi doono xukunka kama danbeysta ah ee dacwadda Badda ee Kenya na gala dhexeysa.
Dowladda kenya ayaa iyada Muran galisay qeybo ka mid ah biyaha Soomaaliya oo ay sheegatay xiligii uu dalka madaxweyne ka ahaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed
Waxaana intaasi kadib bilaabatay dacwada muranka badda ee udheysa Soomaaliya iyo kenya oo la geeyay maxkamada Cadaalada Adduunka Ee ICJ
Taasi oo Dhowr jeer oo kala duwan dhageysatay Dacwada iyadoona goor dambe oo la tilmaamay in kenya ay dareentay fashil ay dacwada iskaga baxday hasa yeeshee Maxkamadu ay go,aansatay in go,aankeeda arin ay gaareyso maalinta talaadada ah oo Bari ah

