Ciidamada Ahlusuna Oo Dhaqdhaqaayo Ka Wada Waqooyiga Dhuusa-Mareeb

0

Warar aan ka helayno Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay ciidamada ahlusuna ay Dhaqdhaqaayo Ciidan ka Wadaan deegaano duleedka ka ah Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Caasimada Maamulka Galmudug

Waxaana la sheegay in ahlusuna ciidankooda oo wata gawaarida gaadhaaman ay isku fidinayaan deegaano dhowr ah oo dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Dhuusa-Mareeb

Ciidamada Ahlusuna oo dhufeysyo ka sameeystay degaano ka tirsan magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa waxa la sheegay in ay haatan wadaan Dhaqdhaqaayo kala duwan oo ay isku fidinayaan

Sheikh Axmed shaakir Cali xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna ayaa waxa uu sheegay in Galmudug lagu fushanayo dano gaar ah ismarkaasna aysan aqbalanyn arinkaasi

Sidookale macamiintii dugsiyada Degmada Guriceel ayaa iyagu shaqa joojin ku dhawaaqay iclaamiyayna dagaal ka dhan ah maamulka galmudug

Waxa kaloo xusid mudan in ahlusuna saacadiihii lasoo dhaafay ay wadeen qorista ciidamo fara badan kuwaas oo ay doonayaan in ay deegaano badan kaga qabsadaan maamulka galmudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here