Warar dheeraad ah ayaa kasoo Weerar qarax ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kenya xili ay ay socdaal ku marayeenMagaalada laamu Ee gobolka Waqooyi Bari kenya
Waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxaan uu geeystay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan qaraxa ah oo ay sheegeen in ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa kenya
Wararka al-shbaab ay ku baahiyaan dhinaca in tarneetka waxa ay ku sheegteen un Ugu yaraan 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada millatariga dowladda Kenya ay ku dileen qarax xooggan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Laamu oo ka mid ah gobollada sida aadka ah ammaankooda loo sugo.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan waxayay al-shabaab la beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaannada Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan Magaalada Laamu waxaanu shabaabku sheegeen in qaraxa si gaar ah u haleelay gaari BG ah oo ay ka buuxeen ciidamo ka tirsan kuwa difaaca dowladda Kenyatta.
sidookale warka kasoo baxay al-shabaab ayaa lagu sheegay in dhaawacyada ciidamada dowladda Kenya qaarkood si aad ah looga dayrinayo kuwaas oo loola cararay cisbitaallada dowladda ee magaalada Laamu si halkaas loogu dabiibo intii ka badbaaday qaraxa.
Ciidamada kenya ayaa sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah oo dhaba gal ah waxa u la beegsaday dagaalamayaasha al-shabaab

