Wararka naga soo gaarya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii lasoo dhaafay weerar culus uu ka dhacay degmada buulo-burde ee gobolka hiiraan
Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariismo ciidamada dowladda iyo kuwa jubuuti ay ku leeyihiin degmada buulo burde
ila deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta culus ee ee weerarkaan balse aysan sheegi karin khasaaraha ka dhashay
Guddoomiye Ku Xigeenka amniga Degmada Buulo burde oo idaacada simba la hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay weerarka dhacay buulo burde
waxaana uu sheegay in xubno ka tirsan al-shabaab ay tiro madaafiic ah kusoo tuureen mid ka mid ah difaacyada ciidamadu ay ka ilaalinyaan degmada
Guddoomiyaha oo hadalkii sii wata ayaa meesha ka saaray in uu jiro dagaal toos ah oo ka dhacay hiiraan balase waxa uu tilmaamay in madaafic meelo fog laga soo tuuray uu yahay weerarkaani
waxaana uu sheegya in uusan jirin waxa khasaaro ah ee uu geeystay weerarkii al-shabaab ay saacado ka hor ku qaadeen degmada buulo burde ee gobolka hiiraan

