Afgembi Dhicisoobay Oo Ka Dhacay Dalka Sudan

0

Xukuumadda Dalka Sudan ayaa xaqiijisay inuu Fashilmay isku day inqilaab oo Saaka ka dhacay dalkaas.

Dowladda Suudaan waxay sheegtay in afgembigaan uu dhicisoobay uu ka dhacay dalkaas isla markaana la qaaday tallaabooyin lagu dajinayo xiisadda.

“Waxaa dhacay afgembi dhicisoobay, dadka waa inay ka hortagaan” ayay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa jiray isku dayo la doonayay in lagu qabsado dhismayaasha warbaahinta dowladda, sida ay baahisay AFP.

Warbaahinta Qaranka Sudan Oo  Warkan afganbiga  baahisay ayaa iyadu bixin wax faahfaahin oo dheeri ah oo intaasi dhaafsan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here