Warar aan ka helayno Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay uu Dagaal culus oo khasaaro kala duwan geystay uu dhacay Tuulo Duleedka Ka ah Deegaanka Balihowd Ee Gobolka Galgaduud
Dagaakaan ayaa waxa uu udhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo Ciidamo dhawaan ku dhawaaqay in ay yihiin ahlusuna oo dib usoo laabatay
Ciidamada Dowladda waxa hogaaminayay Generaal Mascuud Halka ciidanka Alusuna la sheegay in Ciidamada Ahlusuna ay iyaguma ahaayeen kuwa deegaanka ah oo usocday deegaanka huurshe ee isla Gobolka Galgaduud
Warar ayaa sheegaya in iska hor,imaad xoogan uu dhexmaray labada dhinac kaasi oo in muddo ah
Waxaana lagu soo waramayaa in kala uu jiro ka dhashay dagaalkaan
Sida ay wararku xaqiijinayaan waxa dagaalka ku dhaawacmay hal qof kaas oo ahaa sarkaalkii hogaaminayay Ciidamada Ahlusuna
Waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in dhaawaca sarkaal la geeyay mid kamid isbitaalada ugu waaweyn ee Magaalada Guriceel Gobolka Galgaduud
Xaalada Deegaanka lagu dagaalamay ayaa haatan lagu soo waramayaan in xaaladiisu ay kacsan tahay islamarkaasna laga cabsi qabo in markale isku dhac uu yimaado

