Waxaa sii kordhaya qasaraha ka dhashay qarax shalay galinkii dambe ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taal degmada wadajir ee gobolka banaadir
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan qaraxa ah iyaga oo sheegay in ay labeegsadeen xero ciidan islamarkaansna ay ku dileen in ka badan 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda
Intaasi kadib waxa qaraxa war kasoo saaray Raiisul wsaaare maxamed xuseen rooble oo si caro leh uga hadalay weerarkaani
Waxaan cambaareynayaa qaraxii shalay Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan.
Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.
Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa sida argagixisada Alshabaab ay ugu oon qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada ayaa lagu yiri war kasoo Ra’iisul Wasaare rooble

