Waxaa maanta magaalada jowhar ka dhacysa Qaar ka mid ah kuraasta Doorashada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo deegaanada hirshabeele
Doorashada hirshabeele ayaa soo bilaabatay shalay ,waxaana la doortay sadax kursi oo ka mid ah sideed kursi oo aqalka sare uu ku leeyahay hirshabeele
Doorshada aqalka sare ee maamulka hirshabeele ayaa waxa ay tahay mid aad uga duwan doorashooyinka maamul gobleedyada ka dhacay
waxaana ay ka mid tahay doorshooyinka ay ku tartamayaan musharaxiintii ugu faraha badneyd
Amaanka magaalada jowhar oo ay doorshada markale maanta ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay iyadoona ciidamada la faray in ay ka feejignaadaan falaalka amnidaro kuwaas oo caqabad ku noqon kara doorashada aqalka sare ee ka dhacaysa jawhar
diyaar garoe xoogan oo ay sameynayaan musharaxiinta utaagan doorshada ayaa waxa laga daremaya magaalada jowhar
waxaana socda xodxodosho uu musharax walba ku doonayo in ay ku doortaan barlamaanka hershabeele
doorshada hirshabeele ayaa waxa ka harsan kaliya shan kursi kuwaasi oo maanta dhamaantood doorashadooda la qabanayo islamarkaasna aysanba jiri doonin wax dib loo dhigayo

