Dagaal Khasaare kala Duwan Geystay ayaa saakay markale dib uga bilowday Deegaan dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan
Dagaalkaan ayaa ahaa mid culus oo hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana uu udhexeyay laba maleeshiya beeleed oo isku heysta dhul beereed
warar ayaa sheegaya in dagaalku uu ka qarxay deegaanka kabxanleey ee waqooyi baladweyne iyadoona la sheegay in mid ka mid ah labada beelood ay weerarka qaaday
ila deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalkaan uu geeystay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay deegaanka uu dagaalku ka bilowday ayaa sheegaya in hada rasas teltel ah la maqlay islamarkaasna ay labada beeleed ishorfadhiayaan
mid ka mid ah beelaha dagaalamaya oo hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in saakay weerar xoogan lagu soo qaaday islamarkaasna ay iska caabiyeen
waxaana uu sheegay in qasaaraha ka dhashay dagaalka ee uu arkay ay tahay dhaawaca laba qof oo iyaga ka tirsan balse uusan ogeyn qasaaraha ay gaarsiiyeen dhinaca kale
isagoo hadalkiisa sii waxa ayuu sheegay in aysan jirin cid ilaa iyo hada soo kala dhaxgashay walina uu gaalku soconayo
Dhankale waxa inoo suurta galin xariir aan la sameeynay garabka kale ee beelaha ku dagaalamaya deegaanka kabxanley
xaalada deegaanka kabxanley ayaa maanta kacsan,waxaana jira cabsi xoogan oo laga qabo in uu sii xoogeysto dagaalka labada beelood

