Tiro madaafiic ah ayaa xalay lagu weeraray qeybo ka mid ah magaalada jowhar ee xarunta maamulka hirshabeele Halkaasi oo ay ku suganyihiin masuuliyiin kala duwan
Warar aan ka helayno jowhar ayaa waxa ay kusoo waramayaan in kooxo hubeysan ay ilaa iyo 6 hoobiye ku tuureen dhanka madaxtooyada hirshabeele
Dadka deegaanka ayaa waxa ay idaacada simba u sheegeen in marqura ay xalay ka warheleen jugta culus ee madaafiicda islamarkaasna ay soo foodsaaratay cabsi aad u badan
Wali si rasmi ah looma xaqiijin qasaaraha ka dhashay madaafiicdaan balse waxaa la sheegay in ay ku dhexeen agagaarka madaxtooyada dowlad goboleedka hirshabeele oo ay ku sugnaayeen madaxweyne cali guudlaawe,ku xigeenkiisa xildhibaano iyo masuuliyiin kale
Ciidamada amaanka maamulka hirshabeele ayaa waxa lagu soo waramaya in saakay ay wadaan howlgalo kala duwan oo ay ku xaqiijinayaan amaanka
waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in ciidanku ay tageen goobihii madaafiicda lagu weeraray islamarkaasna ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo kala duwan
weerarkaan ayaa kusoo aadaya xili maalin ka hor ayay aheyd markii bamgacmeed lagu weeraray guri ay magaalada jowhar ka daganaayeen xildhibaano ka tirsan maamulka hirshabeele
