Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ikraan Tahliil Faarax isaga oo sheegay in uu murugada la qeybsanayo Ehelada iyo waalidiinta Ikraan.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in uu la socday Kiiska Ikraan, isla markaana uu waqti ku filan siiyay Hogaanka Hay’adda Nabad-sugidda si ay u soo gudbiyaan xog dhamaystiran oo lagu qanci karo balse aysan taa dhicin.
Waxa uu Ra’iisul Wasaraaha dalka sheegay in Xukuumaddda JFS ay waajib ka saaran tahay dhowiridda iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, isagoo faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran, waxaana dad shacabka ah uu ugu baaqay in ay is dajiyaan.
Raiisul Wasaare rooble ayaa tilmaamay markii warbixintaas uu helo uu qaadi doono talaabada ugu haboon

