Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaanka Jaziira Oo Ay Dagaal Kula Galeen Maleeshiyo Macawisley ah

0

Warar aan ka helayno deegaanka jaziira ee duleedka magaalada muqdisho ayaa waxa ay kusoo waramayaam in ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa booliska sida gaar ah utababaran ee haramcad in si rasmi ah ay ulawareegeen deegaanka kadib dagaal saacado badan qaatay oo ay la galeen maleeshiyaad macawisley ah oo halkaasi kusugnaa

dagaalka ciidamada dowladda iyo maleeshyada macawisleyda ayaa waxa uu soo bilowday shalay waxaana ka dhahsay qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh

iyadoona inta la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen  sadax qof oo labada dhinac ah

Ciidamada dowladda ayaa dagaalkaan qaaday sida ay wararku sheegayaan kadib markii ay cabsho xoogan ka timid maleeshiyaad hubeysan oo macawisleey ah kuwaasi oo la sheegay in halkaasi ay isbaaro dhiwteen islamarkaasna ay dadka lacago baad ah uga qaadijireen

Sidookale ay dhac ugeysan jireen mararka qaar dadka shacabka ah eek u sugan deegaanlka jaziira ee duleedka  dhaca duleedka magaalada muqdisho

Warkasoo baxay barta intarneetka ee ciidanka Haramcad ayaa waxa alagu sheegay in

Marna Aqbali Meyno In Dad shacab ah oo masaakiin Ah iyo Dhalinyar Dalxiisayaal ah Lagu baarto Degaanka Jaziira,Intey nafi nagu jirtana Aqbali meyno Tuug iyo Isbaariiste

Deegaanka jaziira ayaa ah deegaan xeebeed ay dad shacab ka ah eek u nool muqdisho iyo nawaaxigeeda ay udalxiista gaan islamarkaasna inta  badan ay waqtigooda ay halkaasi kusoo qaataan balse bar yihiimbe ayaa waxa la sheegay in ay halkaasi kasoo bexeen kooxo hubeysan oo dadka ka dhacaya waxa ay wataan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here