Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan oo xalay ka dhacay gudaha degmada jowhar ee xarunta maamul hirshabeele
Weerarkaan ayaa waxa uu ahaa bamgacmeed waxaana lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan maamulka hirshabeele
dabley hubeysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa weerarkaan xalay ka fuliyay xaafada Hanti wadaan ee gudaha magaalada jowhar
si gaar ah weerarkaan loo adeegsaday bamgacmeed oo geystay qasaaro dhaawac u badan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn madaxtooyada hishabeele
inta la xaqiijiyay sadax qof oo ahaa xildhibaano ka tirsan maamulka hirshabeele ayaa ku dhaawacantay weerarkaan
warar ugu dambeeyay oo ay simba heshay ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada dhaawacmay mid ka mid ah dhaawaciisa uu culus yahay islamarkaasna wax looga qaban isbitaalada kuyaal magaalada jowhar
waxaana la filayaan in saacadaha soo socda lasoo gaarsiiyo magaalada muqdisho ee caasimada dalka si loo la tacaalo xaaladiisa caafimaad
Magaalada jowhar oo xalay weerarkaan uu ka dhacay ayaa waxa ku sugan xildhibaano iyo masuuliyiin dowladeed kuwaasi oo halkaasi ujooga sidii ay uga qeyb gali laahyeen doorashada aqalka sare ee maamulka hirshabeele

