Amisom Oo Markale Ka Hadashay Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Laayay Shabeellaha Hoose

0

Bayaan kasoo baxay Taliska Howlgalka Midowga Africa Ee Soomaaliya ayaa waxa looga hadlay markale dhacddadii Dadka Shacabka ah lagu Xasuuqay ee ka dhacay inta udhexeysa  Deegaanada Golweyn iyo baladul amiin ee dhacda  Gobolka Shabeellaha Hoose

Taliska Amisom  warka kasoo baxay waxa lagu sheegay in dhacdadaasi lagu sameeynaynayo baaritaan dheeraad ah  Haatana ay baaristeeda bilaabeen baarayaal caalami ah

Waxaana ay sheegeen in baaristaan ay xigi doonto guddi uu soo magacaabayo taliska Amisom oo iyagu xaqiijinaya si ay wax uga dheceen Gobolka shabeelaha hoose

Bayaanka waxa lagu sheegay in Ciidamada amisom oo roondo ku jiray ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen kooxo ku hubeysan qoryo islamarkaasna uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad udhexeyay ciidamo katirsan howlgalka amison ahaana Ciidamada ygaadha ee Nabad ilaalinta ujooga soomaaliya

Waxaana amisom ay sheegtay in weerarka ay ku qabsadeen hub farabadan oo qoryaha fuduud ah  iyo mobilo

Balse ay mardambe soo gaartay in dad dhacab ah ay ku waxyeeloobeen Dhacdada ka dhacday Shabeellaha Hoose

Bayaanka Amisom waxa lagu sheegay in waxkasta ay ku cadaan doonan baaritaan markaas kadibna la ogaan doono waxa ka baxsan shuruuda caalamiga ah ee ka dhacay halkaasi

Waxaan soo saari doonaa waxkasta oo ka baxsan arimaha bini aadanimada oo ah gabood falo la geystay iyo waxta oo baalmarsan  shuruucda Ciidamada Amisom ay ku joogan Soomaaliya ayaa lagu yiri bayaanka

Goobta lagu Laayay dadka shacabka ah Oo ah laamiga weyn ee deegaanka Golweyn ayaa waxa mara sahayda Ciidamada Amisom

Waxaana inta Ciidamada sahayda loo gudbinayo ay la kulmaan weeraro gaadmo ah oo kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here