Xili dalka kenya uu gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa soo ifbaxayay warar sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu halkaasi utagayo si arinta badan heshiis ku saabsan uu ulagalo kenya
Balse Wararkaasi waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamantay Dowladda Federaalka ah
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble oo ka hadlay wararka laisla dhemarayay ee ku aadan in kenya uu kala heshiiyay arinta bada
Waxaana uu sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo kenya ay ka galeen arinta qadyada badan
Rooble ayaana si cad u sheegay in Madaxweynaha kenya in Arinta badu ay taal maxkamada cadaalada adduunka islamarkaasna ga,aankeeda ay ka sugayaan
Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay inarnaba uusan haweysan inuu fara gashto ama uu ka hadlay arinta khilaafka bada somaaliya oo qeyb ka mid ah kenya ay sheeganayso
Waxaana uu sheegay in kaliya uu sameyn karo in uu difaaco balse aysan ka suuroobin in kenya uu si hoose kala heshiiyo

