Doorashada Aqalka Sare Ee Galmudug Oo  Maanta Ka Dhaceysa Dhuusa-Mareeb

0

Waxaa daqiiqadaha soo socda lafilayaa in Magaalada Dhuusa-Mareeb ay ka bilaabato Doorashada xubnaha aqalka sare ee BFS kasoo galaya dhinaca Maamulka Galmudug

Waxaana Doorashada maanta ee ka dhaceysa deegaanada Galmudug ku tartamaya ilaa iyo 12 musharax kuwaas oo lix ka mid ah ay si rasmi ah uga mid noqon doonan aqalka sare ee barlamaanka soomaaliya

Xildhibaanada Barlamaanka oo guuxbadan uu ka dhaxjiro ayaa maantay wax duuranaya iyadoona la filayo in hoolka lagu qabanayo Doorashada ay xaadiraan inta badan xildhibaanadu si ay u doortan xubnaha Galmudug kumatali doona aqalka sare

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in xildhibaanada qaar aysan ku qanacsanayn dadka lasoo xulay islamarkaasna aysan imaanan halka maanta ay kandhaceyso Doorashada Aqalka Sare Ee Maamulka Galmudug

Amaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana la arkayay ciidamo farabadan kuwaas oo baarino iyo xaqiijinta amniga kawada gudaha Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Maamulka Galmudug oo maanta Doorashada ka qabsoomayso

Sidookale waxa si aad ah loo dareemaya isgarbinta xubnaha musharaxiinta ah kuwaas oo mid kasta oo ka mid uu doonayo in isagu soo baxo

<span;>Maamulka Galmudug oo aqalka kuleh 8 kursi ayaa dib u dhigtay laba kamid ah kuraasta oo uu muran badan uu ka taaganyahay islamarkaasna aysan cadeyn cida sirasmiga ah ugu tartami karta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here