Lafta Green Oo Lagu Eedeeyay Caburinta Xubnaha Ka Aragtida Duwan

0

Iyadoo dhawaan ay Magaalada Bedhabo ka dhacday Doorashada qeyb ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare kumatalaya Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa lasoo sheegaya in Madaxweyne Lafta Green uu si aad ah ucaburinayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan isaga iyo Madaxweyne farmaajo

Si ay idaacada simba u xaqiijiyiin Waxa la xiray siyaasiyiin xil doon aha kuwaas oo aan ku aragti aheyn Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Green

Qaar siyaasiyiinta ku sugan Magaalada beydhabo ayaa sheegay in madaxweyne lafta green uu doonayo in uu soo saarto dad ku aragti ah Madaxweyne Farmaajo islamarkaasna uu xabsiyada dhigay dad badan oo iyagu doonayay in ay qeyb ka noqdaan doorashada

Siyaasi Faysal Dhagacde Oo ka mid ah siyaasiyiinta Dalka oo kasoo jeeda deegaanada koonfurgalbeed ayaa Waxa uu sheegay in dhowr iyo Toban Bari ay Raga qaar xiranyihiin ilaa iyo hadana aan maxkamad lasoo taagin

Xubno uu ka mid yahay taliyaha Ciidanka asluubta ay kusugan Magaalada Beydhabo kuwaas oo la aaminsanyahay inay caburiyaan siyaasiyiinta islamarkaasna ay ka shaqeynayaan sidii ay kusoo bixi laahyeen senetaro ku aragti ah Madaxweyne Lafta Green iyo Madaxweyne Farmaajo

Dhanka kale Waxaan dhawaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Beydhabo ee shaati gaduud laga daahfuray Xabsi kaas oo Ujeedkiisa uu ka dhashay muran badan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here