Dowlada Burkina Faso’ oo ogaaday kooxaha Af-duubtay Labo Lamaano oo u dhalatay dalka Australian

0

Ururka al-qaacida ayaa sheegtay Mas’uuliyada afduubta Labo Lamaano oo u dhalatay dalka Australian xili ay ku sugnaayeen xuduudka u dhaxeeya dalalka Burkina Faso’ iyo  Mali.

Dr Ken Elliott iyo xaaskiisa oo Lagu magacaabo Jocelyn, ayaa la afduubtay bishii Junuary 15-keeda aynu soo dhaafnay xili ay ku sugnaayeen Magaalo ku taala waqooyiga oo Lagu magacaabo  Djibo.

Cod lasoo dhigay Baraha bulshada oo la dhageystay galinkii dambe ee shalay ayaa muujinayay in kooxda al-Mourabitoun, oo ah garab ka Tirsan al-qaacida qaarada africa (l-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM) ay ka dambeyeen af-duubka loo geystay lamaanaha kasoo jeeda dalka Australian.

Ciidamada dowlada Burkina Faso ayaa wali ku raad jooga sidii loosoo furan lahaa dadka u dhashtay dalka Australian. Oo gacanta ugu jira kooxda al-Mourabitoun oo ah garab ka tirsan al-qaacida,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here