Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Muqdisho

0

Ciidamada Dowladda gaar ah kuwa Booliska ayaa xalay waxa ay howlgalo ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho

Waxaana Ciidanku ay abaarayeen goobo si gaar ah ugu cayinaa iyadoona ciidanka Dowladdu ay howlagadaan kusoo qabqabteen dad badan oo ay guryahooda ugu tageen

Taliye ku xigeenka Ciidanka Zakiya Aad xuseen ayaa faahfaahin ka bixisay  Howlgalo Ciidamadu ay sameeyeen

Waxaana ay sheegtay in Taliska Boliiska G/Banadir iyo Maamulka G/Banadir oo is kaashanaaya kana jawaabaya cabasho ka timid bulshada ay howlgalo ka fuliyay dhamman degmooyinka G/Banadir howlgalkaas oo lagu soo qabtay dadka mandooriyaadka isticmaala iyo ka ganacsada.

Howlgaladaan waxeey ka jawaabayaan cabashooyinka ay bulshada ku soo gudbiyeen Madasha Ila Wadaag, Qadka 991 iyo cinwaanada bulshada ay si toos ah oogala xiriir karaan Ciidanka Boliiska. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay barteeda intarteenka soo dhigtay taliye Zakari axmed

Ciidanka Boliiska waxuu si gaar ah ugu mahad celinaayaa bulsha ku sugan G/Banadir oo si dhaw iyo hufan ula shaqeeya ka hortagida wixii lid ku ah amniga caasimadda.

Bulsho iyo booliis oo iskaashada waxeey ka hortagi karaan balo walba! Taliya zakiya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here