Ciidanka Danab Oo Howlgalo Ka Fuliyay Jubbada Hoose

0

Ciidamada daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyay deegaanno  ku yaal galbeedka gobolka J/hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheeysay ayay ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland iyo ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee kumaandooska Danab si wadajir ah uga fuliyeen deegaanno dhowr ah oo Dhaca Gobolka Jubbada Hoose Halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Deegaannada ay ciidamadu Howlgalada ka fuliyeen waxaa kamid ah Bura, Xawalo Koofi, Fareydhubow, Yaaq dabeel ilaa deegaanka Buuloxaaji oo dhammaantood ka tirsan gobolka J/hose.

Warkasoo baxay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in xunnihii kabtirsa Al-shabaab ay isaga carareen deegaannadan, waxaana ay sheegeen in hadda si buuxda ayvgacanta ugu haya ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here