Dilal ka Dhacay Degmooyinka Dharkinley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir

0

Wararka caawa Naga soo gaaraya degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Gudaha degmadaas Lagu dilay  sarkaal  ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya oo ku sugnaa degmada.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Saliga American-kaanka  ee degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxaana Lagu qaarijiyay sida la sheegay sarkaal ka Tirsanaa ciidamada Nabad sugida oo Magaciisa Lagu sheegay. C/llaahi Dabaasha’ waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii gaari dhexdiisa ay kasoo tookteen taliyaha rag hubeysan.

Dhanka kale dilka Labaad ayaa ka dhacay xaafada Saybiyaano ee degmada Wadajir waxaa Lagu dilay sarkaal labaad oo ka Tirsanaa ciidamada Nabad sugida oo Magaciisa aan la shaacin ilaa Hada,

Howlgalo ayaa laga sameeyay xaafadaha uu dilka ka dhacay waxaana wali dilalkaas ka hadlin Maamulada degmooyinka dharkinley iyo wadajir ee Gobolka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here