Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta kulankoodi ugu horeeyey ku yeelanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka soomaaliland.
Kulanka Ayaa waxa ay Xildhibaanadu ku dooran doonaan hogaanka barlamaanka soomaaliland sida Guddoomiyaha, Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Iyo Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland uu yeelanayo.
Sidookale waxa ay goluhu fadhigoodan maanta oo xasaasi ah ay kulamo kaga yeelanayaan sida loo hirgalin karo masuuliyada loo igmaday iyo wax qabadka ay ka sugayaan dadka reer soomaaliland
u diyaar garowgii ugu dambeeyay ee kulanaka maanta ayaa laga dareemayaa magaalada hargeysa ,waxaana si aad ah xildhibaanadu ay iskugu garbinayaan in ay doortaan qofka ku haboon hogaaminta golaha wakiilada iyadoona xildhibaan walba laga doonayo in codkiisa uu ku biiriyo islamarkaasn ay doortaan gudoomiye iyo ku xigeenadiisa
amaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana ciidanku ay sugayaan amaanka goobta golaha wakiilada soomaaliland maanta ku shirayaan
iyadoona laga cararayo in waxrabshad ah ay dhacdo in lagu gudajiro kulankaani

