Al-shabaab oo Mar kale dib ula Wareegay Magaalada Marka

0

Wararka  haatan ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada al-shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta Magaalada kadib markii ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay duhurnimadii maanta qabsadeen.

Dad ku sugan Magaalada Marka oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in al-shabaab oo duhurnimadii maanta laga saaray Magaalada ay mar kale dib ula wareegeen Magaalada iyagoona ka saaray ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa Africa ee amisom.

Dowlada soomaliya oo dagaalka Marka ka hadashay ayaa sheegtay in ciidamada dowlada soomaliya ay u suurta gashay la wareegida Magaalada marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo xalay ay ku hoydeen ciidamada al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here