Wararka naga soo gaaraya deegaanada puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in goordhaweyd oo Saakay ah oo dab xoogan qabsatay xurun warshadeed oo ku taala gudaha magaalada garoowe ee caasimada maamulka puntland
Si gaar ah wararku waxa ay sheegayaan in dabkani uu ka kacay xarunta warshada isbuunyada tabaarak ay ku leedahaay garoowe
Waxaana lagu soo waramayaa in haatan uu socdo dadaalo loogu jiro daminta dabkaani iyadoona sawiro iyo muuqaalo lasoo duubay la arkayay qeybo badan oo ka mid ah xarunta warshada oo basbeelay
Gaadiidka gurnadka degdeg ah ee dabdamiska ayaa goobta soo gaaray ,waxaana ay haatan isku dayayaan in ay baqtiijiyaan dabkaan oo ilaa iyo hada warar kala duwan laga helayo waxa uu ka dhashay iyadoona wararku intooda badan ay sheegayaan in koronto uu ka dhashay.
Khasaaro Hantiyadeed ayaa lagu soo waramayaan in dabkaan uu dhaliyay waxaaan gubtay qalabkiii iyo alaabtii ku jirtay gudaha xarunta warshada mana jiraan wax qasaara nafeed ah oo laga soo sheegay dabkaan xoogan oo maanta ka kacay magaalada garoowe
inta badan deegaanada puntland ayaa waxa ka kaca dab khasaare badan geeysta kuwaasi oo loo aaneeyo fiilooyinka badan ee korontada

