Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalo khasaaro kala duwan geeystay oo xalay ka dhacay deegaano duleedka ka ah magaalada kismaayo ee xarunta ku meel maamulka jubbaland
Dagaaladaan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada kala ah cabdala biroode iyo yoontooy oo dhamaantooda dhaca duleedka magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose
Waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasasta basle aysan ka qiijin karin qasaaraha ka dhashay dagaaladaani
Alshabaab ayaa war kasoo saaray dagaaladaani ,waxaa ayna sheegeen in xalay dagaal yahayno ka tirsan ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimaha ciidamada kenya ay ku leeyihiin deegaanka cabdala biroole
sidookale al-shabaab warar ay ku baahiyaan dhicana interneetka waxa ay ku sheegteen in dagaalkale oo xoogan ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland ay kula galeen deegaanka yontooy ee ku yaal duleedka magaalada kismaayo
al-shabaab ayaa intaasi ku daray in dagaaladaan ay qasaare xooglejh ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda iyo kuwa kenya walow aysan aysan sheegin tirada rasmiga ah oo ay dagaaladaan ku dileen ama loog dilay

