Akhriso:-Afar Sanator oo Lagu Doortay Magaaladda Kismaayo

0

Maamulka jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee qabtay doorashadda Xildhibaanadda golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo badalaya Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ilaa afar senator ayaa maanta lagu doortay magaaladda kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Xubnaha la doortay waxaa kamid ah C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag),iftin xasan Baasto oo labaduba kamid ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Afarta Sanatar ee maanta ku guuleystey doorashada ayaa kala ah;

1- Ilyaas Badal Gaboose.

2- Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,

3-Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo

4-Iftiin Xasan Iimaan Baasto

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here