Wasaarada Caafimaadka xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in saacadihii ugu dambeeyay ay sii kordhayaan dad uu soo ridanayo cudurka covid-19 oo dhawaan dalka kusoo laba kacleeyay.
Wasaarada ayaa waxa ay sheegtay in Tirada 24 saac ee ugu dambeeyay la baaray dad gaarayay 1,158 oo qof islamarkaasna cudurka si rasmi ah looga helay 43
Wasaarada Caafimaadka ayaa sidi caadada aheyd dadka ugu digtay khatarta cudurkaan waxa ay sheegtay in loo baahanayahaya in aan la yareeysan islamarkaasna dadku ay si aad uga feejignaadaan
Iyadoona wasaaradu ay ku celcelisay in laga digtoonaado cudurka oo haatan si ah dadka usoo ridanaya iyadoona isbitaal martiini loo asteeyay in dadka uu cudurku soo rito lagula tacaalayo

