Raiisul wasaaraha xukuumada xil gaarsiinta maxamed xuseen rooble oo ku sugan magaalada London ee cariga ingiriiska ayaa waxa uu maanta ka qeyb galayaa shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha wax barasha
Waxaana raiisul wasaruhu uu halkaasi ka jeedindoonaa khudbad dhinacyo badan taabaneeysa taasi oo ku saabsan xaalada waxbarashada soomaaliya iyo arimaha doorashooyinka dalka oo uu isagu hogaaminayo
Waxaana intaasi sii dheer in raiisul wasaare rooble inta uu ku suganyahay magaalada London uu kulan doceedyo la qaadan doono masuuliyiinta dowladda ingiriiska iyo kuwa kale ee iyaguna lagu casuumay shirkaani
Raiisul wasaare rooble aya marka hore oo uu ka warbixin doonaa heer waxbarashada soomaaliya iyo horamadii ay ku talaabsatay iyo hiigsiga fog ee dhanka waxbarashada soomaaliya
Sidookale waxa la filaya in raiisul wasaaruhu uu warbixintiisa kusoo bandhigo waxyaabaha ay u baahanaytahay in waxbarashada dalka in lagu saacido iyo dhibaatooyinka heysta ardayda soomaaliyeed ee waxku barada gudaha dalka
Dhankale raiisul wasaare rooble ayaa waxa lagu wadaa in kulan uu la qaato dhigiisa raiisul wasaaraha dalka biritin boris johanson
Waxaana ay si gaar ah uga wada hadlayaan arimaha doorashooyinka dalka waqti xaadirkaan halka ay waxmarayaan ,waxa u hagaagay iyo caqabada ku horgudban arimaaha doorashooyinka
intaasi kadib waxa la filayaa in ay gaaraan is afgarad ku saabsan saacidaada soomaaliya oo kamid ah daalal ka soo kobcaya oo u baahan gacan qabasho iyo iskaashiaga danaha labada dowladood

