Faahfaahino :- Dableey Hubeysan Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Degmada Galdogob Ee Gobolka Mudug

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo xalay dad shaacab ah ku laayay deegaanka udhaw degmada galdogob ee gobolka mudug

Warar ayaa sheegaya in dadkaan shacab ka ah lagu dilay deegaanka goole ee hoostaga degmada galdogob.

Qof goobjooga ah oo ah oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay iyo sida ay u dhacday dhacdadaani,Waxaana uu sheegay qofkaasi goobjooga ah in la dilay laba qof halka qof kalana la dhaawacay.

Goobjooga ayaa sheegay in qofkii dhaawaca ahaa haatan lageeyay  isbitaalka weyn ee degmada galdogob ee gobolka mudug si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Wararka ayaa Intaasi waxa ay ku darayaan in arintaan ay la xariirto aan nooyin qabiil oo maleeshiyaad kala taabacsan maamula puntland iyo galmudug ay ka kala geeysteen deegaano ka tirsan gobolka mudug

Dhacdadaan ayaana imaanaysa xili deegaanka saaxa qurun ee gobolka mudug sidaan oo kala maleeshiyaad hubeysan oo ka yimid dhinaca deegaanada puntland ay dad shacab ah ku laayeen kadibna ay iskaga laabteen.

Waxaana lasoo sheegayaa in xiisadii ka dhalatay arintaasi ay wali taagantahay islamarkaasna ay maleeshiyaad u abaabulan hab beeleed ay dad u gaarsanayaan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here