Ciidanka kumandooska Danab Ee Xoogga Dalka Soomaliyeed Oo Howlgalo Qorsheysann ka Fuliyay Deegaan ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Ayaa ay sheegeenn in Howlgaladaasi ay ku dileen xubno iyo saraakiil ka tirsanaa al-shabaab
Ciidamada Dowladda Ayaa Howlgaladaan si Gaar ah Ugu sameeyay Deegaanka Caliyoow baroow iyadoona sheegay in ay ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha alshabaab laguna magacaabi jiray Nuux Dhagool ,sida warbaahinta uu u xajiiyey ku simaha taliyaha guutada 16aad ee kumaandooska danab dhame Xasan Maxamed Cismaan.
Howlgalkaan lagu dilay sarkaalka ayaa dhacay habeenimadii xalay ee saqdii dhexe,waxaana warka soo baxay dowladda lagu sheegay in ninkaan la dilau uu Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in Ujeedka hawlgaladaan ay samaynayaan ciidamada kumaandooska danab ee xoogga dalka Soomaliyeed uu ahaa mid dadka shacabka ay ka badbadinayaan in al-shabaab ay sakawadaan wax ay ugu yeereen dadka ka qaataan

