Puntland Oo Taageero Raashin Iyo Shidaal Ah Ugu Deeqday Ciidamada Howlgalka Kawada Koonfurta Gobolka Mudug

0

Maamulka puntland ayaa waxa uu maantay deeq kala duwan oo raashin iyo shidaal iskugu jirtay ugu deeqay ciidamada dowladda faderaalka ah iyo kuwa maamulka galmudug oo howlgalo ka wada deegaano ka tirsan koonfurta gobolka mudug

Cabdiladiif  muuse nuur oo ah gudoomiyaha gobolka mudug ee Maamulka puntland ayaa duqa degmada gaalkacyo ee maamulka galmudug ku wareejiyay deeqtaan oo ka timid maamulka sare ee puntland

Deeqda uu Maantay maamulka puntland ku taageeray ciidamada daraawiishta galmudug iyo kuwa dowladda ee Howlgalada ka dhanka ah al-shabaab ka wada koonfurta gobolka mudug ayaa gaaraysay 300 Kiish ( Sadax boqol ) oo badar ah iyo 100 fuusto (Boqol)  oo shidaal ah

Talaabada uu maamulka puntland maantay qaaday ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili mudooyinkii dambe uu aad uwanaagsanaa wada shaqeynta labada maamulka kuwaasi oo kala maamula koonfurta iyo waqooyi magaalada gaalkacyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here