Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Dowlada Jubaland.
Shirkan waxaa ka qeybgalay xubnaha Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Jubaland oo isku dhaf ah iyadoo ay qeyb ka tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah iyo Jubaland.
Waxaana kulankaan uu yahay mid muhiim u ah maamulka jubbaland islamarkaasna qaar kamid ah golaha wasiirada looga dhageysanayo warbixino kala duwan oo ku saabsan xaalada deegaanada jubbaland
sidookale kulanka golaha wasiirada jubbaland ayaa looga hadlayaa qorshaha mustaqbalka fog ee maamulka iyo xalinta caqabada taagan oo ubaahan in wax laga qabto
kulankan golaha wasiirada jubbaland ayaa ah mid todobaadle ah ,waxaana inta badan diirada lagu saaraa si joogta ah xaalada kusoo kordha deegaanada jubbaland iyo iska xog wareysiga howlaha socda ee maamulka

