Wadooyinka Qaar Ee Muqdisho Oo Saakay Xiran

0

Ciidamo Ka tirsan dowlada ayaa saakay xiran qaar ka mid ah wadooyinka caasimada ah ee muqdisho iyagoona dadka iyo gaadiidka udiidayay in ay isticmaalaan

Wadooyinka xiran oo ciidamadu diidayaan in la isticmaalo waxaa ka mid wadda marta agagaarka taalada daljirka daahsoon iyo wadooyinka qaar ee gala madaxtooyada

Sidookale ilawareedyo ayaa sheegaya in saakay waabarigii hore ciidamo ay xireen isgooska tarabuunka ee magaalada caasimada ah ee muqdisho

Sababta rasmiga ah eek a dambeysa xirnaanshiyaha wadooyinkaan lama oga balse ciidamada ayaa waxa dadka iyo gaadiidleyda u sheegayeen in lagu amaray arintaan islamrkaasna amaanka lagu suhgayo

Taalada daljirka daahsoon iyo goobo kale oo taariiqi ah ayaa waxa la sheegay in ay soo buux dhaafiyeen dhalinyaro aad u farabadan oo ku labisan dharka calanka dalka laga sameeyay

Waxaana goobaha la xiray la sheegay in ay jirtay saxmad farabadan oo ku aadan xuska maalinta 1-da luuliyo oo maantay oo kale ku began markii ay gobolada koonfureed ka xoroobeen gumeystihii talyaaniga islamrkjaasna ay midoobeen gobolada waqooyi iyo koonfur ee gayiga soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here