Al-Shabaab Oo Dad Ka Watay Deegaano Dhawaan Ay Ka Baxeen Ciidanka Dowladda

0

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in cabsi xoogan ay soo foodsaartay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaano dhowaan ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab

Cabdidaan ayaa waxa ay timid kadib markii xubno ka tirsan al-shabaab la sheegay in ay bilaabeen beegsiga dadkii shacabka ahaa deegaanada shabeelaha dhexe kusoo dhaweeyay ciidamada dowladda islamarkaasna al-shabaab ay ku eedeeyeen in ay garab siiyeen ciidamada dowladda oo ay wax ka iibsadeen

Warar ayaa timaabaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay deegaano ka tirsan shabeelaha dhexe oo dhawaan ay ciidamada dowladdu iskaga baxeen waxa ay ka wateen ilaa iyo shan qofod

Sidookale waxa la sheegay  in al-shabaab ay degaanada kala ah Warciise, Qoordheere, Wardhagax iyo Dabagaab oo ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle ay dadna ka wateen ilaa iyo sadax gurina ay dab qabadsiiyeen oo ay gubeen dib markii ay dadkii lahaa ay iska carareen .

Waxaana la tilmamaay in haatan dad ku dhaqan deegaanada dhaca shabeelaha dhexe ay qaar kood ay wadnaha farta ku hayaan oo ay ka cabsi qabaan in labeegsado iyadoona kuwa kale ay guryahoodi iskaga careen  si nafdooda ay ubadbaadsadaan oo ay utagaan goobo dagaalo aysan ka jirin oo amaan ah

Wajirto wali wax war ah oo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa mamaulka hirshabeele ay kasoo saareen warkaan soo baxay

Ciidamada dowladda iyo al-shabaab ayaa maalmihii aan kasoo gudubnay dagaalo qarar ku dhexmareen gobolka shabeelaha dhexe

Waxaana jirtay in deegaano dhowr ah ay ku kala qabsadeen labada dhinac si gaar ah in  ciidamada dowladda deegaano ay la wareegeen ay dib uga gurteen taasina ay keentay in xubno ka tirsan al-shabaab ay gabi ahaanba la wareegaan gacan ku heynta deegaanadaasi

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here