Al-Shabaab Oo Sheegay In Ay La Wareegeen Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Dhexe

0

Wararka aan ka helayno gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay La wareegeen  Deegaano dhanka bari uga beegan degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelada dhexe kadib markii la sheegay in ciidamada dowladda ay iskaga bexeen.

Al-shabaab warar ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in si buuxda ay ula wareegeen gacan ku aheynta deegaanada warciise iyo qoordheere ee dhaca gobolka shabeelaha dhexe Halkaasi oo mudooyinkii dambe ay ka dhacyeen dagaalo udhexeya ciidamada dowladda iyo alshabaab

Al-shabaab warka kasoo baxay ayaa waxa ay intaasi ku dareen in horay ay ddegaanadaan u faarujiyeen ciidamo uu hogaaminayay taliyaha ciidanka xooga odawaa yuusuf raage islamarkaasna ay haatan iyagu la wareegeen

majirto wali wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo looga hadlayo sheegashada al-shabaab ee ku aadan la wareegida deegaanada muhiimka ah ee ka tirsan shabeelaha dhexe

la wareegidaan ayaa waxa ay ksuoo aadeysa xili xubno ka tirsan al-shabaab ay dhawaan la wareegeen deegaanka marin gubaay  ee u dhexeaya degtmooyinka baraawe iyo marka ee gobolka shabeelaha hoose

Walow markii dambe la sheegay in ay dib uga lawareegeen ciidamada amisom kuwaasi oo iyaguna ku wareejiayay ciidanka dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here