dagaal u dhexeaya ciidamo dowladda iyo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay ex-koontarool balcad ee magaalada muqdish0
weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen bar koontarool ciidamada dowladda ee haramcad ay ku lahayeen xaafada exkoontarool balcad ee degmada hiliwaa
“Ciidanka Boliska Gaarka ah Ee Haramcad oo Markasta Ka feejigan dhagarta cadawga Waxeey hortageen Weeraro Maleeshiyaadka Al-Shabaab isku dayeen Inay kusoo qaadAan Bar laga ilaaliyo Wadada Isku xirta Mugdisho Iyo jowhar.
Argagixisada Al-Shabaab waxaa halkaasi Lagu gaarsiiyay qasaare xoogan meeydad Badan ayay ka carareen. ayaa lagu yiri War Qoraal Ah Kasoo Bxay ciidamada haramcad “
weerarkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili habeen ka hor sidaan si lamid ah ee weerar xoogan loogu qaaday fariisimo ciidanka haramcad ku lahaayeen duleedka magaalada muqdisho iyadoona weerarkaasi ciidanka dowladdu sheegeen in ay ku qabteen gaari nooha ah iyo sadax nin oo la socday oo ka mid ahaa dadkii weerarka soo qaaday

