Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

0

Wararka aan ka helayno gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay  dagaal xoogan oo u dhexeya ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab uu ka dhacay deegaan duleedka ah magaalada dhuusamareeb

Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay weerar xoogan la sheegay in ku qaadeen xubno ka tirsan al-shabaab kuwaas oo ku sugaanaa deegaanka orshe oo qiyaastii 50km u jira magaalada  dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug

Saraakiisha ciidamada dowladda ee dagaalkaan hogaaminayay  ayaa waxa ay sheegeen in ciidanka dowladda ay guulo dhowr ah ka gaareen dagaal ay al-shabaab kula galeen deegaan orshe islamarkaasna ay qasaare xoogleh ku gaarsiiyeen

Waxaana ay saraakiishu intaasi ku dareen in ciidamada dowladda ay al-shabaab hub iyo saanad ciidan kaga furteen dagaalkaani iyagoona tilmaamay in si buuxda ciidamada dowladdu ay ula wareegeen deegaanka islamarkaasna ay ilaa iyo haatan gacanta ku hayaan

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shabaab oo ay uga hadlayaan weerarkaan ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaanka orshe ee gobolka galgaduud

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here