warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar rag hubeysan ay ka fuliyeen inta u dhexeysa isgoosyada Bar ubax iyo iyo taraqa iyo sigaarka ee magaalada muqdisho
warar aan halkaasi ka helayno ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen halkaasi
waxaana la sheegay in weerarkaan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan waxaana ay sheegeen in xubno ka tirsan ay weerar toos ah ka fuliyeen agagaarka masjidka nasrudiin fariisimo ay ciidanka dowladdu ku lahayeen
al-shabaab wararka ay ku baahiyaan baraha dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in weerarkii xalay ka dhacay muqdisho ay qasaare xoogleh ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda
Waxaana ay sheegeen in weerarka ay ku dileen hal askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ee jag boyntiga ku sugnaa waxaana ay sheegeen in tiro intaasi kabadan ay wax yeelo ugu geysteen ciidamada dowladda ee weerarka lala beegsaday
majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo looga hadlayo weerarkaan dagaalamayaasha al-shabaab ay sheegeen in ay ka fuliyeen gudaha caasimada islamarkaasna ay ku qaadeen ciidanka d0wladda
weerarkaan al-shabaab ay sheegteen in ay ka fuliyeen muqdisho ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili waabarigii saakay inta badan degmooyinka gobolka banaadir laga maqlayay dhawaqa rasaas teltel ah taas oo aamn ilaaa iyo hada si rasmi ah oo ogaan waxa ay aheyd

